10c. Order

Taxi Somali

AMARKA 2023-03

Taariikhda Kulanka ajandaha
lambarkiisu yahay 10c_order:
Febraayo 14, 2023

AMAR KASOO bAXAY GUDIGA DEKADA SEATTLE
Si loo abuuro barnaamijka adeegga tagaasida kirada ah ee la dalbado/qiimaha go'an ku shaqeeya oo
ka shaqayn doona Gegiga Caalamiga ah ee Seattle-Tacoma, muddoo shan sano ah.
WAXAA LASOO JEEDIYAY
FEBRAAYO 14, 2023

HORDHAC
Kadib barnaamijka sadexda sano ah ee tijaabada ahaa, Gudiga Dekada Seattle ayaa sameeyay
kormeerka adag iyo xog uruurinta saamileeyda ee darawallada barnaamijka biloowga ah ee
tagaasiga/lacagta go'an lagu kiraysto. Amarka Soo socda ayaa cadaynaaya qaybaha barnaamijka soo
socda, ayna ku jiraan qaybo cusub sida waxbarasho iyo wacyi gelin lagu samaynaayo dookha
oonlaynka ah; waxay xoojinayaa tababarka iyo ku dhaqanka fulinta adeegga macaamiisha ee wadada
geeskeeda; iyo ka faa'iideysiga barnaamihyada tababarka iyo hormarinta darawalka.
QORAALKA AMARKA
Gudiga Dekada ayaa halkaan ka amraaya Agaasimaha Fulinta inuu abuuro barnaamijka tagsiga ee la
dalbado/adeegga qiimaha go'an lagu kiraysto oo ka shaqeeya Gegiga Caalamiga ah ee Seattle-Tacoma
si loogu daro qaybaha soo socda:
•
•
•
•

•
•
•

Dekada ayaa heshiis cusub oo shaqo mulkiileyaasha tagaasida kaasoo la xariira Barnaamijka
Biloowga ah ee Tagsiga la Dalbado/Qiimaha go'an lagu kiraysto; mulkiileyaasha tagaasida
ayaa sii shaqayn doona Maarso 1, 2028.
Wareejinta heshiisyada shaqada ayaa keliya loo ogolaan doonaa sababo sharci ah, ayadoo
shaqaalaha diyaaraduhu ay tilmaan ka siin doonaan darawallada sida ujeedooyiinka noocaas
ah lagu qeexaayo.
Dekada ayaa uruurin doonta qarashka isku dhafan, ee safar kasta oo dhan $6/safar kasta
ayadoo lacagta toos uu u bixinaayo darawalku uuna siinaayo SEA.
Dekada ayaa u adeegsan doonta nidaamka faylka ee oonlaynka ah darawallada ayadoo
adeegsanaysa wacyi geli, waxbarasho, iyo talo bixin ay ka qaadanayso bulshada darawaliinta,
ayadoo la gaaraayo fahan ku aadan in dhaqan gelinta hanaan kasta oo fayl gelida oonlaynka ah
uu u baahan yahay talaabada Gudiga.
Dekada ayaa la xariiri doonta dhiibina doonta arashka maamulka.
Dekada ayaa sii wadi doonta wacyi gelinta saamileeyda ee afarta jeer sanadkii.
Dekada ayaa sii wadi doonta inay aqoonsato Ururka Mutadawacnimada Darawallada oo lagu
ogolaaday Xeerka 2019-03 si loo fududeeyo fikir diibashada darawalka ee ku aadan barnaamijka
tagsiga/kirada qiimaha go'an waxay sii wadi doonaan si joogto ah ula kulmaan Ururka
Mutadawiciinta Darawalka. Dekada ayaa qiimayn doonta hormarina doonta barnaamijka
tababarka darawalka iyo hormarinta shaqaalaha oo loo fidinaayo darawallada xiiseynaysa.

Amarka 2023-03 – ayaa Aasaasay Barnaamijka Adeegga Tagsiga
Dalabka/Qiimaha Go'an lagu Kiraysto

Bogga 1 ee 2

•

•

Gudiga Adeegyada Gegiga ee Gudiga Dekada, ama wakiiladooda, ayaa dib u eegi doona
nidaamka xalinta khilaafka gaadiidka dhulka ee gegeiga si hormarin loogu sameeyo
darawallada iyo Ururka Mutadawiciinta Darawalka, looguna soo sheego natiijooyinka Gudiga
ugu danbayn Aqoosto 30, 2023. Gudiga, ama wakiilkiisa, ayaa sidoo kale qiimayn doona
isbadellada suuqgaynta ee barnaamijka tagsiga/qiimaha go'an lagu kiraysto, ama wakiilkiisa.
Dekada ayaa sidoo kale dib u eegaysa siina xoojin doonta heerarka adeegga macaamiisha ee
qandaraaska ee maamulaha geeska wadada si loo xaqiijiyo u dhaqanka Gudigana xog looga
siiyo ku dhaqanka muddo lix bilood ah gudahood kadib marka la ansixiyo Amarkaan.

Sida ku cad waraaqda kasoo baxday Maamulka Dekada Seattle kuna socotay Dawlada Hoose ee
Degmada King taasoo ku boorinaysay dhaqan gelinta qarashka go'an ee ugu yar ee lacagta
tagsiga/safar kasta oo looga yimaado SEA, Agaasimaha Fulinta ayaa u sheegi doona Gudiga 90
maalmood gudahood marka la dhaqan gasho Amarkaan xaalada isbadellada lasoo jeedshay ee
Degmada King ku samaysay safarada tagsiga/qiimaha go'an ee kirada tagaasida ee Degmada King oo
dhan. Haddii Degmada King aysan soo saarin xeerka qiimaha ugu yar ee degmada oo dhan ee
tagaasida dhammaadka 2023, Gudiga ayaa ka baaraan degi doona qiimaha ugu yar ee tagsi raaca
kaasoo keliya quseeya darawallada tagsiga/gaadiidka qiimaha go'an lagu raaco ee loo ogol yahay inay
qaadaan rakaabka dalbada ee jooga SEA.
BAYAAN TAAGEERAAYA AMARKA
Sida uu Gudigu u sheegay Agaasimaha Fulinta iyo shaqaalaha, dhaqan gelinta barnaamijka
tagsiga/gaadiidka qiimaha go'an lagu kireysto waxaa ku jira wada hadal joogto ah, adag, oo
daacadnimo ku dhisan lalana yeesho wadeyaasha, darawallada, iyo mulkiileyaasha gaadiidka si loo
aqoonsado loona yareeyo ciladaha iyo tabashooyinka marka ay soo baxaan. Barnaamijka
tagsiga/gaadiidka qiimaha go'an lagu kireysto waxaa hadda ku jira hanaan nidaamsan oo
fududeynaaya wada hadalka joogtada ah ee furan oo lala sameeyo darawallada, wadeyaasha, iyo
wakiillada ayadoo loo maraayo Ururka Mutadawacnimada Darawalka, iyo sidoo kale doorka Dekada
oo ah kormeerka qandaraaslaha kormeerka maamulka geeska wadada iyo xalinta khilaafaadka.
Dhaqan gelinta barnaamijka waxaa ku jiri doona wada shaqayn ay Dekadu la samayso darawallada
iyo wadeyaasha si loo aqoonsado barnaamijka hormarinta shaqaalaha oo waxtar u leh darawallada,
ayna ku jiraan barnaamijyada u baahan ruqsada darawallada ganacsiga (CDL) iyo tubaha gaadiidka
kale ee dhulka, gaadiidka xamuulka, ama ganacsiga kale ee mushaarka qoyska iyo shaqooyinka
xirfadaha gaadiidka.
Waxaa ku jira dhaqan gelinta dib u eegis ay dekadu ku samaynayso shuruudaha heshiiska degmadu la
gashay adeegyada maamulka geeska wadada, shuruudaha hadda ee tababarka xalinta khilaafka
shaqaalaha maamulka geeska wadada, iyo qiimaynta shuruudaha tababarka ee heshiisyada
mustaqbalka si loo xaqiijiyo adeegyada tababarka iyo maamulka geeska wadada.

Amarka 2023-03 – ayaa Aasaasay Barnaamijka Adeegga Tagsiga
Dalabka/Qiimaha Go'an lagu Kiraysto

Bogga 2 ee 2

Limitations of Translatable Documents

PDF files are created with text and images are placed at an exact position on a page of a fixed size.
Web pages are fluid in nature, and the exact positioning of PDF text creates presentation problems.
PDFs that are full page graphics, or scanned pages are generally unable to be made accessible, In these cases, viewing whatever plain text could be extracted is the only alternative.